Home Afsomali Dilal Qorsheysan iyo Dhaawacyo kala Duwan oo Muqdisho ka dhacay xilyo isu...

Dilal Qorsheysan iyo Dhaawacyo kala Duwan oo Muqdisho ka dhacay xilyo isu dhowdhow

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa goordhaw weerar qorsheesan waxa ay ku dileen Afhayeenkii hore maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey sidoo kale hada kamid ahaa maamulka Tv-ga Kalsan.

Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho , waxaana la sheegay in kooxo hubeesan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaari la socday Afhayeenkii hore maamulka Ximin iyo Xeeb.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dabley saarneed gaari nuuca loo yaqaan Prada ay rasaas xoogan ku fureen gaari yar uu watay Maxamed Cumar Xagafey, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday gaarigii weerarka fuliyay.

Waa weerarkii labaad oo saacdao gudahood ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya sheegaya in labada weerar ay maanta ka dhacay magaalada Muqdisho lagu fuliyay hal gaari ay la socdeen dabley hubeesan.

Dabley hubeysan ayaa gaari uu la socday Taliye kuxigeenkii hore Nabadsugida ku rasaaseeyay degmada Xamar weyne, sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladiisa, halka uu ku dhaawacmay darawalkiisa.

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Xasan Dheere ayaa sidoo kale soo noqday Maareeyaha Dekeda Muqdisho, xilligii dowladdii Shariif, kaddibna waxa uu noqday Taliye kuxigeenka Nabadsugida.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay weerarkan, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonaya weeraro ceynkan oo kale ah oo lagu fuliyay, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.