Home Afsomali Dilalka ciidamadu u geysanayaan bajaaj wadayaasha oo si xowli ah uga socdo...

Dilalka ciidamadu u geysanayaan bajaaj wadayaasha oo si xowli ah uga socdo Muqdisho iyo toogashadii ugu danbeysay oo ka dhacday afarirdoodka xamar weyne

Askari ka tirasn ciidamada Booliska ayaa toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj ku sugnaa degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir galabnimadii maanta.

Falka dilka Darawalka Mooto-bajaajta ayaa ka dhacay Isgoyska Afar-Irdoodka ee suuqa Xamar Weyne, waxayna wararku sheegayaan in Askariga dilka geystay ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliiska ee ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay, waxaana lagu xiray saldhigga Booliska Xamarweyne.

Dilka ayaa imaanaya iyadoo maanta dil toogasho ay lagu xukumay askari Boolis ahaa oo dhowaan Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj, waxaana xiran askar kale oo ku eedeysan iney dileen dad shacab ah oo ay ku jiraan darawalo waday mooto bajaajyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.