Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa maanta degmada Xamarweyne si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.
Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa garaab ahaan goobta looga qaaday, iyada oo la dhigay Isbitaalka mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Askarigii dilka bareer ah u geystay wiil darawal ka ahaa Mooto bajaaj , waxaana ay dhigeen xabsiga.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka, iyada oo ay muhiim tahay in arrintan wax laga qabto.
Dhawaan ayay aheyd Markii Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada uu afaafka hore ee xarunta degmada Waaberi si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.
Dil Qorsheysan oo ka dhacay Dagmada Howlwadaag Sida ay Sheegayaan wararka kooxo Hubeysan ayaa degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Cali Shire waxa ay ku dileen nin nabaddoon ah.kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Geeddi Jimcaale.
Kooxo ku heysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay dileen Nabadooonka xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla degmadaasi.
Dhalin yarada ku hubeysnaa Bistoolada ayaa la tilmaamay in ay ka baxsadeen goobtaay dilka ka fuliyee,iyadoona markii dambe halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya,waxaa ayna sameeyeen baaritaano ku aadan cidaka dambeysa dilka loo geystay nabadoonka.
Saraakiisha Amaanka ee dowlada dhexe ayaan weli ka hadlin dilka Maanta ka dhacay degmada Howl-wadaag ee gobalka banaadir.
Muqdisho ayaa waxaa ay marti gelinaysaa dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Magaalada,kaasi oo loo geysanayo dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Saraakiil Ka Tirsan Boliska Kenya Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Degmadda Libooya
5 ka tirsan Boliska Kenya ayaa la dilay, 3 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Gaarigii ay la socdeen ay saakayto miino kula kacday Deegaankaasi.
Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu saakayto 9-kii aroornimo ka dhacy Deegaanka Harare e ka tirsan Degmadda Libooya oo dhowr KM u jira Xuduudka Somalia.
Askartaasi ayaa la sheegay inay ku jireen Hawlgal Ilaalo ah, iyadoo ay dadka Deegaanka maalmahaan ka cabanayeen Qafaal ay Askarta Kenya u geystaan dadka Deegaanka.
Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Dhadhaab, Haruun Kamau ayaa sheegay inay3 ka mid ah Askartii ku dhaawacantay Qaraxaasi xaalladooda aad u liitay, isla markaana loo duulliyey magaalladda Nairobi.
Waxa kaloo uu sheegay in ay Ciiddamo xoojin ah u direen goobta uu qaraxu kaa dhacay, wuxuuna sheegay ina