Home Afsomali Dilka Cabdimalik Ibrahim Hassn oo reer Wajeer/Wbari Kenya, asal ahaan Soomaali...

Dilka Cabdimalik Ibrahim Hassn oo reer Wajeer/Wbari Kenya, asal ahaan Soomaali ayaa ka dhacay Nairobi

n-f-d-1

Meydka Nin loo aqoonsadey Cabdimalik Ibrahim Hassn oo reer Wajeer/Wbari Kenya, asal ahaan Somali

Ayaa mudo saacado ah dhaxyaalay wado hormarta safaarada mareykanku ku leeyahay dalka Kenya magaalada Narobi

Ninkaa oo ay toogteen booliiska ku sugnaa wajiga hore ee Safaaeada Mareykanka- kadib markii Lagu eedeeyey Inuu mindi Ku weeraray ilaalada Safaarada.

n-f-d-3

Booliska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay nin weerar ku soo qaaday sarkaal ka tirsan booliska oo taagnaa dibada safaaradda Maraykanka ee Caasimada Nairobi  meel u dhow safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Sawir la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya nin la toogtay oo maydkiisu waddada yaallo.

Vitalis Otieno oo ah taliyaha booliiska goobta ayaa saxaafada  uga warramay sida ay wax u dhacen:

n-f-d-2

“Waxa dhacay waxa weeye qof lugaynaya oo garab maraya waddada Qaramada Midoobay ayaa mindi ku weeraray sarkaal booliis ah, markii uu mindida ku dhuftay ayaa sarkaal hubaysnaa uu toogtay ninkii, meesha ayuuna ku dhintay.

Xilligan sarkaalka waxa uu ku sugan yahay cisbitaalka, qofka la dilayna waxa uu ku jiraa qaboojiyaha.” Sidaa waxaa yiri Vitalis Otieno.

n-f-d-4

Safaaradda Maraykanka oo aad loo ilaaliyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka dhismaha Gigiri ee Qaramada Midoobay.

Waxaa la arkayay nin dhiig badan ka baxay oo yaala albaabka safaaradda Mareykanka, kaaoso ay toogteen ciidamada, iyagoo sheegay inuu Toorey ku soo weeraray ilaalada safaaradda.

Dhalinyarad soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku sugan ayaa inta badan eedeymo been abur ah la duldhigaa si dhiigooda aan cidna loogu raacan.

dilkaa wiilka Soomaaliga ayeysan weli ka hadlin safaarada  soomaalida ay halkaa ku ledahay loogamana fadhiyo in ay aimaha noocaan oo kale ah ka haasho  iyo iyo wixii ka danbeeyey dowladii shacabku rideen

Ma jiro ilaa hadda war ka soo baxay saraakiisha safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi kadib dilkii loo geystay nin la sheegay in ninka uu watay tooray uu doonayey in uu ku waxyeelayo askarta ku jiratay waardiyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.