Gabar ka mid aheyd ardayda Jaamacada Somalia ayaa lagu dhex dilay gudaha xarunta Jaamacadaas faraceeda baar Ubax oo ka tirsan degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Aamiina Xuseen ‘ Xasan ayaa aheyd sargaal ka tirsan Nabad sugida Qaranka iyadoona jjoogtay qeybta Madax tooyada waxaana u soo galay Jaamacada dha deeda laba dhalinyaro ah oo hubeysan waxeyna ku amreen in ay furta Naqaabka ka dibna halkaa
Aamino Xuseen Xasan oo aheyd kabtan horey uga tirsaneyd ciidanada nabadsugida iyo sirsoonka qaranka . Ayaa la sheegayaa in loo xiray dilkeeda Macalimiin iyo wadiyaasha Jaamacada sida warkaan uvu helnay masuuliyiin ka tirsan Dowlada.
Qara ka mid ah ehellada Aamina ayaa somalisan.com u sheegay in Aamina ay ahayd haweeney 43 jir ah, oo ku jirtay sanadkii u dambeeyey ee jaamacadda, islamarkaana ay baraneysay kuliyadda Sharciga iyo Qaanuunka.
Waxaa la sheegay in Aamina ay lahayd carruur waa weyn, oo qaarkood ayagaba dhigta jaamacado, inkasta oo aysan dhigan jaamacadda hooyadood lagu dilay.
Xiliga dilku ka dhacayey ayaa gabadhan iyo ardayda kale ee fasalka la joogtay waxay mashquul ku ahaayeen qaadashada duruusta ka baxda Jaamacada, iyadoo mar kaliya uu jawiga fasalku is bedelay.
Dilka ka dib kala carar iyo argagax xoog leh ayaa ka dhacay gudaha Jaamacada, iyadoo Gabadha la dilay ay wax ka baraneysay kuliyadda shareecada iyo Qaanuunka, waxayna qaadaneysay duruusta semisterka 8aad.
Fasalka ay dhiganeysay ayaa la sheegay in iyada kaliye dumar ka aheyd taasi oo fududeysay in si sahal ah loo garto qofka la bartilmaameysanayey
Ragga dilka geystay ayaa la sheegay iney baxsadeen, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn cida ay ahaayeen raggan iyo sababta ay u beegsadeen gabadhan ardayada ah.
Ciidamada amaanka ayaa hadda ku sugan xarunta Jaamacada Somalia halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, waana markii ugu horeysay ee fal noocan uu ka dhaco Jaamacadaha ku yaalla magaalada.
Shaqaalaha dowlada qaarkood, ganacsato iyo dadka kale ee waqtigu ciriiriga ku yahay ayaa maalmaha khamiista iyo jimcaha wax ka barta qaar Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.