Home Afsomali Dilka Maryan Cabdulaahi Maxamuud oo qaramada midoobay u shaqeyneysay oo faahfaahino dheeraad...

Dilka Maryan Cabdulaahi Maxamuud oo qaramada midoobay u shaqeyneysay oo faahfaahino dheeraad ahi ka soo baxayaan

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa agagaarka Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen haweeney lagu magacaabi jirey Maryan Cabdulaahi Maxamuud taasi oo la sheegay in ay u shaqeeneysay Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumada suuqa bakaaraha u tagtay si ay u soo iibsato  alaabooyin ay uga baahneyd .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Isgooska Howl Wadaag ay qaarka ka toogteen dhalinyaro biskoolado ku hubeesan Haweeneydan magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdulaahi Maxamuud oo katirsaneyd WHO..

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan kooxihii hubeesnaa ee dilka geestay.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto ciidanka dowlada iyo dadka shacabka ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan dhacayaan xili ciidamada amaanka laga qaaday inta badan isgoosyada Muqdiho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.