Home Afsomali Dowlada Puntlan oo albaabada iskuugu dhufatay Xafiirkii gudiga doorashooyinku ku ku laahaayee...

Dowlada Puntlan oo albaabada iskuugu dhufatay Xafiirkii gudiga doorashooyinku ku ku laahaayee iyo fariintii

Maamul goboleedka Puntland ayaa xiray xafiiska guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas. waxaana sidoo mkale la joojiyey fariimihii xayeesiinta ahaa ee ka baxayey tvga puntland waxaana xilkii laga qaaday agaasimihii fvgaas

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu amray in maamulka gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ay ka tirsan tahay uu xiro xafiiskaas, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Febraayo 6, 2020.

Qoraalka kasoo baxey wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu farey dhamaan mas’uuliyiinta heer degmo iyo heer gobol in aan wax howl ah oo la xiriira guddiga doorashooyinka federaalka laga qaban karin degmooyinka iyo gobollada Puntland.

Puntland ma aysan shaacin wax sabab ah oo ay qaadatay go’aanka ay ku xirtay xafiiska. Hase yeeshee, tallaabadan ayaa kasii dareysa xiriirka markii horeba xumaa ee labada dhinac.

Sidoo kale, go’aanka Puntland ayaa yimid maalin un kadib markii dowladda Mareykanka ay wada-hadallo iyo dib u heshiisiin ugu baaqday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Hoos ka aqriso warqadda Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.