Home Afsomali Diyaarad qaas ah oo Muqtaar Roobow ka dajisay Magaalada Muqdisho

Diyaarad qaas ah oo Muqtaar Roobow ka dajisay Magaalada Muqdisho

Somalisan oo garoonka la xariirtay  ayaa ogaatay in goordhow Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ay kasoo degtay Diyaarad siday Muqtaar Roobow oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ee dhawaan Baydhabo la geeyay ay awood halkaasi uga soo wateen.

Gaadiidkii lagu  qaaday ayaa ilinka danbe ka baxay welina ma cada halka la geeyey

Saraakiil ka tirsan Garoonka  ayaa xaqiijiyay keenitaanka Roobow ee Muqdisho,iyada oo diyaarad khaas ah ay kasoo qaaday Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Howlgalka lagu soo kaxeeyay Muqtaar Roobow ayaa dad ku sugan Magalada Baydhabo waxa ay sheegayan inay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magalada Baydhabo.

Laamaha Amniga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka koonfur Galbeed weli kama hadlin sababaha keenay in Muqtaar Roobow  si awood ah looga soo waday Magalada Baydhabo,isaga oo ahaa Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xariga musharaxa  ayaa wasaarada amnigu sheegtay in uu soo buuxin waayey sharuudihii uu uga bixi lahaa fikirkiisii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.