Home Afsomali Diyaarad Rakaab oo ku burburtay dalka Nepal & maydad la helay

Diyaarad Rakaab oo ku burburtay dalka Nepal & maydad la helay

Diyaarad Rakaab oo ay la socdeen 72 qof ayaa saakayto ku burburtay Galbeedka caasimada dalka Nepal ee Kathmandu.

Diyaaradda waxay ka duushay Caasimadda,  waxayna ku sii jeeday Degmadda Pokhara ee loo dalkiisa tago, taasi oo 240 KM u jirta Caasimadda dalkaasi.

Kooxaha Gurmadka waxay ilaa haatan heleen maydadka 36 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Diyaarada burburtay oo nooceedu ahaa ATR-72.

Diyaaradda waxay ku burburtay Dhul-Kaymo ah ku yaalla Jiinka Webiga Setu Gandik oo u dhexeeya Garoonkii hore ee Duullimaadyada Gudaha (The old domestic Airport) iyo Garoonka Caalamiga ee Pokhara International Airport.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Yelti Airlines,  Sudarshan Bartaula waxa uu sheegay inay Diyaaradda oo ahayd nooca labada Matoor leh ay la socdeen 72 qof, oo ay 68 Rakaab ahaa iyo 4 Shaqaalihii  Diyaaradda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay inay 53 la mid ah Rakaabka ay u dhasheen dalka Nepal iyo 15 qof oo Ajnabi ah iyo 3 carruur ah.

Dhanka kale   RW dalka Nepal,  Pushpa Kamal Dahal waxa uu ugu baaqay Golihiisa Wasiirada inay isugu yimaadaan Kulan Degdeg ah, kadib, burburka Diyaaradda ay dadka badan ku dhinteen.

Ma aha Shilkii Diyaaradeed ee u horeeyey ee ka dhaca dalka Nepal, iyadoo sanadkii 2018-kii,  Diyaarad Rakaab oo ka timid dalka Bangladesh ay burburtay, xilli ay ku degi lahayd Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu, iyadoo ay ku geeriyoodeen 49 qof oo ka mid ahaa 71-kii qof ee la socday Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda US-Bangla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.