Home Afsomali Diyaarad siday agab webiga Shabeelle loogu dhisayo biyo xireeno oo ka...

Diyaarad siday agab webiga Shabeelle loogu dhisayo biyo xireeno oo ka dagtay Magaalada Baladweyne

Dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta Beledweyne geysay diyaarad siday agab looga hortagayo  in uu fataho wabiga Shabeelle ee Beledweyne, waxaana agabka ka mid ah jawaanno iyo biro loogu talagalay in  caratuur lagu sameeyo.

Agabkan ayaa ah mid loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana agabka la wareegay maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay Wasiirka Boostada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada wabiga Shabeele ay ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta dowladdu ay Beladweyne gaarsiisay agab biyaha looga hortegayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.