Home Afsomali Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidamada Cirka Kenya oo Gobolka Gedo ka Geystay Duqeymo...

Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidamada Cirka Kenya oo Gobolka Gedo ka Geystay Duqeymo ay Xoolo ku dileen

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka geysteen deegaano ku dhow dhow Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan duqeymaha.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaan lagu magacaabo Kulbis, halkaasoo la tuhunsan yahay in Al-Shabaab ay saldhig ku leeyihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen guuxa diyaarado iyo jug ku dhaceysay deegaano miyi ah, lama oga khasaaraha ka dhashay.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqeymo uga geystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana duqeymaha qaar ay waxyeelo ka soo gaartay xoolo.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay duqeymo cirka ah, waxaana dhowr jeer duqeymo lagula bartilmaameedsaday Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.