Home Afsomali Dood ka dhalatay janaaso lagu tukaday haweeney jirkeeda ka ganacsan jirtay iyo...

Dood ka dhalatay janaaso lagu tukaday haweeney jirkeeda ka ganacsan jirtay iyo Gabadheedii oo ay isku ganacsi ahaayeen oo ku faraxday

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee waddanka Bangladesh ayaa soo dhaweeyay janaasadii ugu horreysay ee abid waddankaas loogu tukado meydka qof jirkiisa ka ganacsan jiray, iyadoo halkaasna ay ku burburtay dood muddo dheer ka taagneyd waddankaas ay Muslimiinta ku badan yihiin.

Hamida Begum, oo ka shaqeyn jirtay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan, ayaa xanuun u geeriyootay isbuucii lasoo dhaafay, iyadoo 65 jir ah.

Tiro dad ah ayaa isugu tagay qabrigeeda, si ay goob joog ugu noqdaan janaasada lagu tukaday ee taariikhda ka gashay waddankaas.

Sharciga waddanka Bangladesh wuxuu oggolyahay howlaha la xiriira in haweenka ay jirkooda ka ganacsadaan, laakiin culumada diinta islaamka ee dalkaas ayaa horay u diiday in qof noocaas ah meydkiisa janaaso lagu tukado.

Xitaa waxaa dadka jirkooda ka ganacsada lagu aasaa qabuuro aan calaamadeysneyn, iyagoo aan wax duco ahna loo sameynin, ama la waafajinin dhaqamada kale ee ka jira dalka.

Begum qudheeda way fileysay in jidkaas oo kale ay mari doono, laakiin inta aysan dhimanin ka hor ayey isbahaysi ka kooban haweenka jirkooda ka ganacsada booliska ka codsadeen inay hoggaamiyeyaasha diinta ku qanciyaan in si fiican loo aaso.

“Imaamka wuxuu markii hore laba labeynayay inuu tujiyo salaadda janaasada, kumana uusan qanacsaneyn”, ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Ashiqur Rahman, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

“Laakiin imaamka waxaan weydiinnay in Islaamka uu qof ka mamnuucayo in meyd lagu tukado Janaaso, haddii xitaa uu ahaa qof jirkiisa ka ganacsada, wax jawaab ahna nama uusan siinin”, ayuu yiri.

Sarkaalkan wuxuu kormeer ka ahaa heshiiska ku saabsan in haweeneydaas aaskeeda uu ka duwanaado dadkii iyada la midka ahaa ee horay u geeriyooday.

Sidaas awgeed, aas diimeed ayaa haweeneyda loo sameeyay maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay.

Mr Rahman wuxuu sheegay in aaska ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 200 oo ruux, halka in ka badan 400 oo qofna ay tageen tacsideeda iyo ducadii loo sameynayay.

“Waxay ahayd goob aan markii ugu horreysay la wada tagin,” ayuu yiri Mr Rahman added. “Dadku waxay sugayeen ilaa xilli dambe oo habeenkii ah, si ay salaadda janaasada ah uga qeyb galaan. Dadka jirkooda ka ganacsada ee halkaas ku sugnaa way wada ilmeeyeen.”

Dadka tagay qabriga Begum waxaa ka mid ahaa wiilkeeda, Mukul Seikh, iyo gabadheeda 35 jirka ah ee agu magacaabo Laxmi, taasoo iyada lafteeda ka mid ah haweenka jirkooda ka ganacsada ee ku suga xarunta ku taalla magaalada Daulatdia.

“Waligey kuma riyoonin inay heli doonto sagootin sidaas u sharaf badan, hooyadey waxaa loola dhaqmay sidii qof bani’aadan ah”, ayey tiri Laxmi.

“Waxaan rajeynayaa in haweeney kasta oo halkan ka shaqeysa, oo aniga xitaa aan ku jiro, ay heli doonto salaadda Janaasada, sida ay hooyadey u heshay oo kale”.

humur Begum, oo ah hoggaamiyaha isbahaysiga maxalliga ah ee haweenka jirkooda ka ganacsada, ayaa ol’ole u sameysay in aas sharaf leh loo sameeyo Begum, waxayna dib u xasuusaneysaa qaabkii horay loola dhaqmi jiray dumarka noocaas ah, marka ay geeriyoodaan.

“Haddii aan damci lahayn inaan meydka soo aasno aroortii, dadka xaafadda ayaa ulo nagu eryan lahaa”, ayey ku tiri AFP.

Xarunta ay haweenka jirkooda uga ganacsadaan, oo ay ka shaqeyn jirtay Ms Begum – waxay ka mid tahay 12 xarumood oo ku yaalla waddanka Bangladesh – waxayna ka dhisantahay meel qiyaastii 250 km (155 meyl) dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Dhaka.

Waxaa markii ugu horreysay la aasaasay ku dhawaad hal qarni ka hor, xilligii uu waddankaas ka jiray gumeysigii Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.