Home Afsomali Doorasho dad ban hadaad maqasho waa dooraahada ay doortaan dad wajiyada...

Doorasho dad ban hadaad maqasho waa dooraahada ay doortaan dad wajiyada qarsaday ma amisom baa ma shabaab baa mise waa ajaaniib

Waxaan maqli Jirey “Carraale kaa cilmi badan” reer waqooyi naga cilmi badan, waji daboolan dahab.

Waxaa la leeyahay doorashada qaabka ay u dhaceyso wazaa hargeysa live uga daawanayey madaxweyne  muuse Biixi iyo xakuumadiisa.

Qolo kale ayaa leh Ragii Al Shabaab Ka baqayay Kaarto Cajiib ah ayaa loo helay.

Qolo kale ayaa leh iyane dadka xaaladan wax ku doortay miyaan cadaalad kasugayna.
War tano kale yaa arkay
Muxu yaab isdaba yaal !

Saaxibayal Ergoyinkiina doonta Sidana isku Xirxira

Doorasho meeshaan kama dhicin. Reer waqooyina nama xishoon. Dadkaan madaxyada dabooshay yaa xaqiijin kara inay Soomaali yihiin oo aaney ahayn ciidamada AMISOM ee Xalane ku jira?

Yaa xaqiijin kara inaanay ahayn Al-shabaab? Yaa xaqiijin kara in qofkaasi uu yahay odayga magaciisa loo yeeray? Yaa xaqiijin kara in odayga magaciisa lagu dhawaaqay uu Hargeysa iska fadhiyo.

Sidaan doorasho ma ahan ee in lagu noqdaa wanaagsan. Hadii Muuse Biixi sidaan looga baqayo waxa ay ahayd inaanan meeshaba loo soo qaraab tegin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.