Home Afsomali Dowladaha Somalia iyo Tanzania oo ka wada hadlay fududeynta Dal ku galka...

Dowladaha Somalia iyo Tanzania oo ka wada hadlay fududeynta Dal ku galka wadamadaada  Danjiraha Soomaaliya

Dowladaha Somalia iyo Tanzania oo ka wada hadlay fududeynta Dal ku galka wadamadaada
Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa magaalada Daarusalaam kula kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania u qaabilsan Bariga Afrika, Danjire Stephen Mbundi. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dardargelinta xiriirka labada dal iyo dhaqan-gelinta is-afgaradyadii dhowaan ay kala saxiixdeen.
Danjire Ilyaas ayaa xusay in kulanka lagu gorfeynayay fududeynta dal-ku-galka Tanzania ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay sida ay Tanzania u muujisay mudnaanta arrintaas. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, dalxiiska iyo aqoon is-weydaarsiga, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da Bulshada Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.