Dowlada Masar ayaa qorsheeneysa in xarumo Bangi ka furtaan dalal ay ku jirto Soomaaliya, si sare loogu qaado Is-dhaafsiga Ganacsiga ee dalalka Soomaaliya iyo Masar oon hada laheyn xiriir ganacsi oo xoogan.
Ku-xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Masar, Akef El-Maqrabi ayaa ka sheegay Madasha Koowaad ee Shirka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Afrika ee IPAs in ay qorsheenayaan in la balaariyo xarumo cusubna ka furtaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti.
Akef El-Maqrabi, ayaana ka codsaday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti in ay siiyaan leesin ay kaga hoolgalaan dalalkooda, waxa uuna xusay in ay rajo ka qabaan in lasii balaariyo xarumaha uu bangiga Masar ku leeyahay qaarada Afrika.
Bangiga Masar ayaa la aas aasay sanadkii 1920-kii, waxaana bangigan la qarameeyay oo dowlada Masar la wareegtay sanadkii 1960-kii, bangigan ayaana hada ka shaqeeya dalka Masar iyo dalal kale oo Afrika kuyaala
Dabar iyo hogaan iyo Dani seems weeyaan
Iga duulay xoolihii adne kaama daahnee
Dib inaan u dhoofaan taladii ku deystee
Aan kula dardaarmee ragtag sii daryeeloo
Adntu waa I anyhow ingeys duljoognee
Dalkalaan dagayaa dubaaqaaga ka saar
Waan duulayaayee dagmoy iisoo ducee
Waa kuu danbeystaa dacarow ha deg degine joog
Waan duulayaayee degmooy ii soo ducee
Ragu socodka woow door hadii moowku daayee darbi lama fadhiistiyo halkii kuu daraatee
Koley hadaan wax daaqiyo duunyo iiga fonteyn
Doqonimo weeyaan inagoo duljoognaa
Duunyo meel ku oodneeyd soo dareerin meyside
Dalkala taa ka deyreyd halkaa nooga door
Waan duulayaayee degmoow ii soo duceey
Wey noo danbeysaa dacron ha deadening joog
Dacar waan duulayaayee
Wey noo danbeysaa
Doqon baan ogsooneyn darxumada ku foo Lee
Dugsan mayo geeluba dudadii yagleel
Si uun laguma daayoow xidigaa is doorshoo
Door iyo abaarbaa kolba midi danbeeyaa
Kol hadaadan deyneyn kanga dacron maayee
Dowga aad mareysuu dating kuu hareeyuu
Waan duulayaayee ii soo ducee
Ducaan kugu labeeyee dacarow ii soo dadaal