Home Afsomali Dowlad goboleedyo taageeray xubnaha guddiga Isgaarsiinta Qaranka ( DAAWO SAWIRADA )

Dowlad goboleedyo taageeray xubnaha guddiga Isgaarsiinta Qaranka ( DAAWO SAWIRADA )

Saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee hoos taga dowlada federaalka Somalia ayaa qaadacay qodobadii ka soo baxay shir looga hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka oo lagu soo gebagebeeyey shalay magaalada Garoowe.

Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland ayaa waxaa lagu casuumay masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha isgaarsiinta dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dowlad goboleedyadan ayaa sidoo kale taageeray xeerka Isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka ee ay dhowaan magacowday Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumada federaalka Somalia.

Wasiirka Isgaarsiinta dowad goboleedka Galmudug, Axmed Dubad Cali, Wasiir dowlaha isgaarsiinta Hirshabelle Ifraax Cismaan Saney iyo wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta maamulka Koonfur galbeed Somalia C/xakiin Faarax Shandile oo shirkaas Maamuladooda ku metelayey ayaa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho maanta wax yar ka dib markii ay ka soo laabteen Garoowe, iyagoo warbaahinta u akhriyey war-saxaafadeed ay soo saareen oo sidan u qornaa.

WAR-SAXAAFADEED.

Taageerid XEERKA isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta     Qaranka.

Anagoo kala ah xubnaha wasiirada ee kala metelaya dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle isla markaana ka qeyb galay shir ku qabsoomay 25-27-ka Juun 2018 Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaan soo saarnay war-saxaafadeedkan nuxurkiisu yahay sidan:-

Markaan aragnay ajendaha meesha la soo dhigay, markaan aragnay in si qaloocan oo aan sharciga ku saleysneyn la doonayo in loo fashiliyo guulaha laga gaaray meel marinta xeer isgaarsiinta oo heerar kala duwan soo maray, ugu dambeyntiina ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowlada markii uu madaxweynuhu saxiixay.

Markaan fahamnay in dano gaar ah oo ka hor imanaya qaranimada iyo danta guud ee dalka la doonayo in la meel mariyo, kuwaasoo si guracan loo soo abaabulay. Horeyna aanan uga heysan macluumaad nagu filan oo shirkaas khuseeya.

Waxaa si cad uga dhex muuqday xubno huwan sharafta dowladnimada laakiin door biday khal khal gelinta waxqabadka lagu talaabsaday, kaasoo ah in xeerka isgaarsiinta si hufan u meel maray isla markaana xubnaha guddiga ee heyadda si dheeli tiran loo soo xulay.

Markaan Tixgelinay qodobada sare ku xusan iwm, anagoo gudaneyna xilka iyo waajibaadka na saaran isla markaana meteleyna dowlad goboleedyada aan magacooda shirkaas Garoowe kaga qeyb galnay.

Waxaan halkaas ku cadeynaynaa:-

1-Inaan si buuxda u taageersanahay xeerka isgaarsiinta qaranka ee soo maray dhamaan heerarkii loogu talo galay ansaxna noqday. Diyaarna u nahay ku dhaqankiisa.

2-Sidoo kale waxaan si mug leh ugu qanacsannahay xubnaha Soomaaliyeed ee loo magacaabay guddiga isgaarsiinta Qaranka iney noqdaan anagoo ku kalsoon, aqoontooda, matalaada bulshada ee ay ka socdaan, kuna qanacsan in si hufan  loo soo dhameystiray.

3-Waxaan Wasaarada Isgaarsiinta boostada iyo tiknolojiyada ee federaalka iyo hogaankeeda ku garab taaganahay Masuuliyadda ay guteen, waxaanan ku amaanaynaa dhabar adeygooda iyo kartidooda.

Ugu dambeyn waxaan diidan nahay isku daygii shirkii Garoowe ee bishan Juun qabsoomay kaasoo ahaa mid si toos ah uga hor imanaya dowladnimada guud ahaan, gaar ahaana caqabad weyn ku ah horumarka sectorka isgaarsiinta oo ah meesha kaliya ee Soomaalidu ku faanto.

Waxaan u rajaynaynaa Soomaali dhamaanteed guul iyo gobanimo, waxaanan kula dardaarmaynaa in loo gudbo danta guud taageerideeda iyo ilaalinta waxa Soomaaliya KA dhexeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.