Home Afsomali Dowlad ka cabanaysa weeraro dhanka Internet-ka oo lagu soo qaaday

Dowlad ka cabanaysa weeraro dhanka Internet-ka oo lagu soo qaaday

Dalka Costa Rica ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey wuxuu la daalaa dhacayaa weeraro dhinaca internetka ah, kaas oo kooxaha weerarka geysanayaa ay la wareegeen baraha internetka ee qaar ka mida xafiisyada dawladda iyo weliba xarumo gaar loo leeyahay kuwaas oo bixin jiray adeegyo kala duwan oo bulshadu u baahan tahay.

Weerarada dhinaca internetka ayaa sababay in dawladdu ay bixin kari weydo mushaharaadkii macalimiinta, waxay curyaamiyeen nidaamkii cashuuraha, halka saraakiisha caafimaadkuna ay awoodi waayeen inay helaan diiwaanada caafimaad ee bukaanada oo ay ku jiraan dadka qaba xanuunka COVID19.

Madaxweynaha dalka Costa Rica ayaa ku dhawaaqay in dagaalka dhinaca internetka ee lagu jabsanayo aaladaha isgaadhsiinta ee dalkaas inay halis geliyeen geeddi socodkii dalka, ayna kooxaha ajnebiga ah ee weeraradan ka dambeeyaa ay doonayaan inay afgembiyaan dawladda dalkaas ka dhisan.

Weerarada madaxfurashada ah ee lagu qaaday dalka Costa Rica ayaa guud ahaan Khalkhal geliyey nolol maalmeedkii dalkan ku yaalla badhtamaha Ameerika. Weeraradan ayaa lagu eedaynayaa inay ka dambeeyaan kooxo maafiyo ah oo fadhigoodu yahay dalka Ruushka, waxaana kooxahani ay bartilmaameedsanayaan wadamada aanay horumarsanayn difaaca ay kaga hortegi karaan weerarada dhinaca internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.