Home Afsomali Dowlada Canada oo qeyb ka Noqoneysa baaritaanka dilkii Elwad Elman Cali Axmed

Dowlada Canada oo qeyb ka Noqoneysa baaritaanka dilkii Elwad Elman Cali Axmed

Qoyska Marxuumad Almaas Elman oo war Murugaleh ka soo saaray Geerideyda ka dib Ilwaad Elman oo ku hadlaysay afka qoyska reer Elman iyo kan Sayga Almas ayaa soo saaray War qoraal ah oo ay dadka uga dalbadanayaan in ay joojiyaan mala awaalka oo ay ka warsugaan natiijada kama danbaysta ah ee ka soo baxa baaritaanka dilka Almaas Elman.

Waxaa kale oo ay qoraalkeeda ku sheegtay in ay doonayaan in dilka gabadhooda baaritaan buuxa ay si wadajir ah ugu sameeyaan Xukuumada Soomaaliya iyo Dawladda kanada, Iyadoo ka digtay in warar been ah oo ku saabsan dilka Almaas lagu faafiyo baraha Bulshada.

Hoos ka ka akhriso War Murtiyeedka oo ku saxiixan tahay Elwad Elman oo ah Elmas Walaasheed Dhab ahaantii waxaannu ku jirraa xilli aannu aad uga qalbi-jabannahay geeridii aan xanuunkeeda ciduna qiyaasi karin oo ku timid walaasheen, xaaskii iyo gabadhii aannu dhallanay ee Almaas Elman.

Waxaannu dareemaynaa cidlo aan abid ciduna inoo buuxin karin. Almaas waxay lahayd ruux ifaysa, bilic-san berina ka ahayd musiibada ay la kulantay. Runtii way laqmatay, inay xaamilo ahaydna waa mid sii kordhinaysa murugadaan naga daaddegi la’.

Taageerada, is barbartaagga iyo tacsiyeynta inooga timid daafaha dunida oo dhan aad ayay inoo khushuuc geliyeen. in aannu ogaanno in Almaas aad loo jeclaa aanay si togan uga qayb-qaadatay nolosha dad badan ayaa qoyskayaga qaddar laab-riixasho ah siinaysa waqtigan aadka inoogu adag.

Aad baannu uga mahad-celinaynaa baroor-diiqda Almaas iyo xusuus sheegiddeeda dunida oo dhan ka dhacaysa, waxaannuna doonaynaa in aannu ku biirro xuska nolosheedii aadka u qaniga ahayd.

Maahan markii ugu horreysay ee qoyskeenna ay haleesho musiibo qalalaase wadata oo tan oo kale ah.

Qalalaase la mid ah midkan ay Almaas ku baxday oo isla magaaladan ka dhacay ayaannu sanado ka hor ku weynay aabbeheen Elman Cali Axmed.

Taa ayaa sii laballaabaysa murugada iyo qarracanka aannu wajahayno, hase yeeshee marna musiibooyinkani shiiqin maayaan go’aankeenna ah in aannu dhisno nabad qoysaska kale ee Soomaaliyeed ka hor joogsata in ay la soo deristo murugo la mid ah midda aannu haatan dhex maquuranayno.

Waxaannu weli si aan leex-leexad lahayn ugu jeebban nahay gaaridda Soomaaliya ay dadkeedu ku nool yihiin xaalad aysan ka cabsi qabin in ay musiibo tan la mid ahi ku dhacdo gacalka iyo xigaalkooda.

War kasta oo haatan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwo laga hor-dhacay, mana noqon doonaan kuwo caawiya qoyskeenna. Wararkaa waxaa ka mid noqon kara in laysla dhex meero suuraggalnimada inay Almaas dishay xabbad wiifto ah.

Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal.

Intii laga gaarayo hannaankaa hufan oo dhamaystiran waxaannu dalbanaynaa in aanay qof iyo maamul toona ka faalloon arrintaan meel gaar ahna aanay ku tirin. Waxaannu ka war haynaa in la faafiyey muuqaallo iyo mu’aamarado aan sal lahayn.

Muuqaalladaa iyo mu’aamaradahaasi waa kuwo qoyskeenna sii xanuunjinaya waqtigan adag. Sidaa darteed in la joojiyo iyo dib loo saxo ayaannu codsanaynaa. Kani waa warka keliya ee aannu musiibadan haatan ka soo saarayno, waxaannuna si xushmad leh u dalbanaynaa in ay dadku ixtiraamaan asturnaanta axwaasha qoyskeenna, si aannu si nabdoon ugu murugoonno.

Almaas waxay ka tagtay guud ahaan dalkeedda iyo dadkeedda, gaar ahaana Qoyskeeda oo ka kooban, hooyadeed Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan, walaaleheed Ilwaad Elman, Iimaan Elman iyo Geesiya Elman, saygeedii Sakariya Xirsi iyo Almaas waxa ay innooga tagtay raad taariikheed aad u sareeya oo ku saabsan is beddel togan oo ka dhaca Soomaaliya, Afrika iyo Dunidaba.” ELWAD ELMAN

Qoyska Marxuumad Almaas Elman oo War-murtiyeed kasoo saaray Geerideyda kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.