Home Afsomali dowlada F.D Somaliya oo is-hortaag ku sameysay munaasibad taageero loogu Muujin lahaa...

dowlada F.D Somaliya oo is-hortaag ku sameysay munaasibad taageero loogu Muujin lahaa Musharax Madaxweyne Mustaf sheikh Cali Dhuxlow

Ciidamada bolice ka Soomaaliya ayaa goor maqrubjii ah joojiyey munaasibad casho loogu tala galay ilaa 500 boqol qof laguna taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf sheikh Cali Dhuxulow oo lagu qaban lahaa Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4.

Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa xaqiijiyey in kulanka ay ciidamada dowladda amreen in la joojiyo waxyar un kahor markii uu billaaban lahaa, ayada oo ay qaban qaabadiisa ay socotay tan iyo shalay.

Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka inay ka dambeeyeen is hor-taagga lagu sameeyay kulankaas, wuxuuna intaas ku daray in amarka uu bixiyay Taliska Nabad-Sugidda.

Dhanak kale, warar aan helnay ayaa sheegaya in Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow uu goordhow qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo tallaabada looga joojiyay kulanka lagu taageerayey.

Kulanka la baajiyey ayaa imanaya ayada oo sidoo kale ciidamada dowladda maanta lagu hareereeyey xaafadaha degan yihiin musharaxiinta mucaaradka ee ku dhow agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid go’aansatay inay caburiso oo ay cadaadiso musharaxiinta, waxaana laga digayaa in tani ay horseedi karto isku dhacyo iyo magaalada ay ka dhacaan dagaallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.