Ka dib fal kufsi iyo Afduub lagula kacay Laba gabdhood oo lagu kala magacaabaa Aamino Muuse Axmed oo saddex sano jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo afar sano jir ah, Xili ay marayeen Goob aan ka fogeyn gurigooda mooto ayaa bajaaj lagu kaxaystay ka dibna loo geystay kufsi wadareyd ayaa iyaga oo dhaawacyo qaba lagu arkay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan iyaga oo ku jira xaalad adag lagu dabiibayaa isbitaalka weyn, Madiina ee magaalada Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii kufsiga ahaa ee degmada Afgooye loogu geystay gabdhaha yaryar,
waxaana ay amartay ciidammada amniga in gacanta lagu soo dhigo cid kasta oo ku lug lahayd ficilkaas gurracan.
Ugu danbeyn wasiirka warfaafinta sheegay in dowladda federaalka ay ku raad-joogto dadkii ka dambeeyey falkaasi la marsiin doono cadaalada, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.