Home Afsomali Dowlada fadaraalka oo ka farxisay hooyo wiilkeeda ka murugsaneyd

Dowlada fadaraalka oo ka farxisay hooyo wiilkeeda ka murugsaneyd

Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare, oo markale soo duubtay muuqaal ayaa ka hadashay arrimo cusub oo ku aadan xaaladda wiilkeeda oo dhowaan ay shaacisay inay la’dahay balse loo sheegay in tababar cidian loogu qaaday Eritrea.

Hooyo Ruqiyo oo wejigeedu uu ka duwanaa midkii hore, islamarkaana farxad laga dheehan karay, ayaa sheegtay in lala hadalsiiyey wiilkeeda, isaga oo caafimaad qabo.

“Wiilkeyga waan la hadlay wax dhib ah ma qabo ayuu dhahay, Ilaaheybaa mahadaas iska leh” ayey tiri Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare.

Ma shaacin halka la geeyey ama dalka tababarka uu ku qaaday, balse waxa ay ka dhawaajisay in isaga iyo asaxaabiisa ay nabad qabaan.

Hooyadaan oo hadalkeeda sii wata ayaa tilmaamtay in arrintaan ay ku timid, kadib markii uu la soo xariiray sarkaalkii ay horay uga cabaneysay, kaas oo la hadasiiyey wiilkeeda oo ahaa 19 jir arday ahaa, balse tababar ciidan loo qaaday.

Sidoo kale, Hooyo Ruqiyo ayaa xustay in haatan ay faraxsan tahay, islamarkaana ay u mahad-celineyso dowladda Soomaaliya oo ka jaawabtay cabashadeeda.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday waalidiinta kale inay is dajiyaan, iyadoo ugu niyad qaboojisay in wiilashooda ay caafimaad qabaan, si la mid ah wiilkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.