Home Afsomali Dowlada fadaraalka Somaliya  ayaa laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay...

Dowlada fadaraalka Somaliya  ayaa laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere ee Gobolka Geddo daawo sawirada

Dowlada fadaraalka Somaliya  ayaa laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere ee Gobolka Geddo halkaasoo ay ka jirto xaalad adag kadib markii daadadka roobabku harqiyeen Magaalada.

Deeqdaan Doonyaha ah ayay Hay’addu kaga  jawaabaysa xaaladaha ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland.

Madaama isku socodka dadka iyo gaadiidku adkaaday Doonyahaan waxaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta shacabka oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan markii biyuhu dhinac kasta kaga yimaadeen,islamarkaana wabigu fatahaad sameeyay taasoo xaalada sii adkeysay..

Dhanka kale Hay’addu waxay u qorsheysay una diyaarisay raashin,dhar iyo dawooyin Degmooyinka iyo deegaanada ay saameeyeen roobabku kuwaasoo la gaarsiin doono saacadaha soo socda.

Talaabadaan Hay’da Maareynta Masiibooyinku saaka doomanka ugu dirtay Baardheere ayaa ku soo aadeya xili maalmo ka hor Degmada Luuq sidaan oo kale Doon u gaarsiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.