Home Afsomali Dowlada FD oo  bilowday duulimaayada diyaaradaha gudaha ka hor inta Corona...

Dowlada FD oo  bilowday duulimaayada diyaaradaha gudaha ka hor inta Corona Virus Uusan Dhamaan

Dowlada FD oo  bilowday duulimaayada gudaha oo hakad ku jiray bilihii u dambeeyey, sababo la xariira xakameynta cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus.

Diyaaradaha isaga kala gooshaya magaalooyinka dalka ayaa si rasmi ah u bilaabay duulimaadyadooda , iyada oo  ay dadka safraya ay si aad ah u soo dhaweeyeen in dib loo fasaxo duulimaadyada gudaha, inkastoo weli kuwa caalamiga ah aan dib loo fasixin.

Mid ka mid ah dadkii saaka ka amba-baxayey garoonka Aadan Cadde oo ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyey socdaalkiisa iyo dib u furista garoonka

“Waxa aan joognaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, qorshaheenu waa in aynu ka duulnaa, waxa aan ku qoranahay diyaarad safarkeedu yahay Magaalada Dhuusamareeb” ayuu yiri qofka ka mid ah rakaabka diyaaradaha maanta baxaya.

Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dadka raacaya diyaaradaha inay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona.

Soomaaliya oo kiisaska cudurkan laga xaqiijiyey bishii March ee sanadkan 2020-ka ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakameynayo cudurka faafa ee Covid-19, iyada oo hakad galisay dhamaan duulimaadyada, sidoo kale xirtay goobaha waxbarashada ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.