Home Afsomali Dowlada FD oo diyaarad qaas ah u direysa maxaabiista ku xiran dalka...

Dowlada FD oo diyaarad qaas ah u direysa maxaabiista ku xiran dalka hindiya si ay qoysaskooda dib ula midoobaan

Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qorshaha dalka loogu soo celinayo Maxaabiista soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Hindiya balse badankood lasiidaayay kadib heshiis dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dowladda Hindiya.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasaarada ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo sida uu shirka ka sheegay Wasiirka Warfaafinta

Wasiir Yariisow oo qodobada uu ka hadlay Wasiiru dowlaha sharaxayay ayaa Sidoo kale sheegay in  maxaabiista harsan la soodeyn doono bisha Febraayo. Dawladdana ay ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd.

Sikastaba tiro dhowr jeer ayay Xukuumadda Soomaaliya ku guleysatay in ay dalka ku soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Itoobiya iyo Jasiirada Seychelles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.