Home Afsomali Dowlada Ingiriiska oo madaxda Madaxweynayaasha dalalaka Ciidamada AMISOM ku casuuntay Shirweyne...

Dowlada Ingiriiska oo madaxda Madaxweynayaasha dalalaka Ciidamada AMISOM ku casuuntay Shirweyne looga hadalayo ariamah dalka Soomaaliya ( DAAWO SAWIRADA )

Ingiriiska oo Madaxda Uganda, Kenya Iyo Ethiopia ku Casuumay Shirweynaha London.bisha soo socota ee April

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo horey u qaadacay Xafladdii Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa oggolaaday inuu ka qeyb galo Shirka Caalamiga ee looga hadlayo Taageeradda Samafalka iyo Ammaanka ee Somalia, kaasi oo bisha May 11-da ka furmi doona Caasimadda dalka Britain ee London.

Shirweynahaasi waxa uu daba joogaa Shirweynihii Caalamiga ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda London, oo looga hadlay Taageeradda Somalia.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson oo xalay 07:30 Fiidnimo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda, waxa uu la kulmay Madaxweyne Museveni, oo uu u gudbiyey Casuumaadaasi.
Madaxweyne Museveni iyo Xoghaye Johnsom oo si wadajir Shir Jaraa’id ugu qabtay Aqalka Dowladda ee magaalladda Entebbe waxa uu Johnson sheegay inuu Museveni ka oggolaaday inuu ka soo qeyb galo Shirweynaha London.

Waxa uu ku ammaanay Dadaalka ay Dowladda Ugnda ugu jirto Nabadda Somalia, isagoo xusay inay Ciiddanka Uganda ee UPDF kaalin muhiim ah kaga jiraan Hawlaha Nabadda Somalia.

6,000 oo Askar Ugandese ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddanka ugu badan ee hal dal ka socda ee qeybta ka ah Hawlgalkaasi.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inay ka wada hadleen Boris Johnson saamaynta uu Tallaabadii ay Britian kaga baxday EU-da ku yeeshay Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay EU-da jareen 20% Taageeradda Dhaqaale ee ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson waxaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago dalalka Ethiopia iyo Kenya, oo uu kala hadli doono Ammaanka Gobalka iyo Shirweynaha Arrimaha Somalia ee bisha May 11-da ka dhici doona London iyo Shirka Dowladaha ku bahoobay Ururka Barwaaq-sooranka (Commonwealth) oo la qaban doona bisha soo socota ee April.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.