Home Afsomali Dowlada Kenya oo diiday in viso loogu dhufto xildhibaanada iyo wasiirada somalida...

Dowlada Kenya oo diiday in viso loogu dhufto xildhibaanada iyo wasiirada somalida ah baasaboorada ay sitaan

Wararka aan heleyno ayaa sheegayab in Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa la xaqiijiyay inay caawa ku xaniban yihiin Garoonka Joma Kenyatta, kaddib markii loo diiday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto Visaha Dal ku galka Kenya

Baasabooradan mas’uuliyiinta wata ayaa hore loo siin jirey dalku-galka marka ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi on arrival.

Mid ka mid ah wasiirada dalka Soomaaliya ayaa loo diiday  inuu ka qaato dalku-galka ama viisaha garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

Balse wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wasiirka loo diiday dalku galka uu isticmaalay baasaboor shisheeye ah oo uu watay taasoo markii dambe loo ogolaaday in uu galo magaalada Nairobi.

Go’aankan cusub ee dowlada Kenya qaadatay ayaa saameyn ku yeelan kara boqolaal mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo hore ugaga qaadan jirey fiisaha ama dalkugalka garoomada diyaaradaha dalka Kenya.

Go’aankan cusub ee ay dowlada Kenya qaadatay ayaan jirin mas’uul ka mid ah Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo ka hadlay balse waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo dowlada Kenya ay cadaadis xoog leh saareyso dowlada Soomaaliya.

Dhowaan ayaa dowlada Kenya waxa ay dib u soo celisay go’aankeedii hore ahaa in aysan diyaaradii ka soo duusho dalka Soomaaliya aysan toos uga soo deign magaalada Nairobi ayna soo marto magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Cadaadiskan ayaa ah mid u muuqda mid ay dowlada Kenya bilowday iyado ay soo dhowdahay natiijada laga sugaayay Maxkamada Caalamiga ah ee ku saabsan khilaafka Badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.