Mareykanka ayaa ogolaaday inuu Taiwan ka iibiyo hub ku kacaya 1.1 bilyan oo doolar , taasoo ka careysiisay Shiinaha.
Heshiiska hubka waxaa ka mid ah, nidaamka raadaarka si loola socdo weerarrada soo socda iyo aaladaha ka hortagga gantaallada laga soo rido maraakiibta.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay bishii hore noqotay mas’uulkii ugu sareeyay ee Mareykanka muddo 25 sano ah oo booqda Taiwan.
Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka noqdo heshiiska haddii kale uu wajihi doono “tallaabooyin liddi ku ah”.
Afhayeen Liu Pengyu ayaa sheegay in heshiiska uu “si weyn u carqaladeynayo” xiriirka Washington iyo Beijing.