Home Afsomali Dowlada Masar oo qalab siisay Taliska Ciidanka Bolice ka Soomaaliyeed SAWIRO

Dowlada Masar oo qalab siisay Taliska Ciidanka Bolice ka Soomaaliyeed SAWIRO

Dowladda masar ayaa deeq agab ciidan ah ku wareejisay taliska ciidanka boliiska soomaaliyeed , taasi qeyb ka ah taageerida masar la garab taagan tahay ciidanka boliiska soomaaliya

Munaasibada wareejinta Deeqdaan agabka ciidan ah ayaa ka dhacday Gudaha Saldhiga Bolice ka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho .

Safiirka masar dalka soomaaliya Maxamed Nasri ayaa deeqdaas ku wareejiyay taliyaha ciidanka boliiska soomaaliyeed sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxaana madasha kusugnaa  Wasiir ku xigeenka Amniga xukuumada fedraalka soomaaliya xildhibaan  Cabdinasir Saciid iyo sareeyaal katirsan ciidanka boliska.

Safiirka dalka masar ee u fadhiya soomaalia Maxamed nasri oo munaasabada wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in dowlada masar taagereyso dib usoo kabashada soomaaliya.

Taliyaha ciidanka boliiska soomaaliyeed sareeye gaas Cabdi Xasan oo u mahadceliyay dowlada masar

wuxuuna Amaan ka sokow ka sheekeeyey Xiriirka soo jireen ka ee ka dhaxeeya labada dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.