Home Afsomali Dowlada oo faafineysa Shir maalin ka hor dhacay ( DAAWO SAWIRADA )

Dowlada oo faafineysa Shir maalin ka hor dhacay ( DAAWO SAWIRADA )

Shirkaan ayaa dha cay maalin ka hor waxaana saxaafadu heshay ka dib 24 saac waxaana ay sababatu tahay shirka oo aysan  si rasmi ah uga qeybgalin qeybaha kala duwan ee saxaafada madaxa banana  waxaan dowlada u xilsaartay saxaafada danahooda qaaska ah ka hor mariyey dantii umada kuwaas oo waqtigaan soo gaarsiiyey in ay soo bandhigaan

Hadaba sow kama habooneyn in saxaafada ay ka qeybgasho si saacad gudaheed warkaasi loo baahiyo si kastaba aqbaarkii shirka waa sidaan

Shir uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay dhamaan wasiirada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysanaya Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowlada (Capacity Injection Program CIP) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka.

Ugu horayntii Isku duwaha Mashruuca Maxmed Farax ayaa ka warbixiyey heerarka kala duwan ee uu soo maray iyo sida looga fa’iisaydatay mudadii uu jiray iyo mustaqbalka sida looga fa’iidaysan karo.

“Waxaa kulankaan u jeedkiisu yahay inaan la wadaagno Hay’adaha ka fa’idaysta mashruuca warbixina kasiino halka uu ka soo bilowday, hadafka laga leeyhaya iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada ka soo qayb galay. Waxyaalaha Mashruucaan qabanayo waxaa ka mid ah tayeenta shaqaalaha iyo awood dhisida hay’daha dowladda ee lafdhabarka u ah shaqoyinka maalinlaha ah, xoojinta iyo tageerida dhinacyada asaasiga u ah ka shaqeynsiitna nidaamka dowlaiga si loogu istaajiyo qaab wax qabad leh oo la wada dhan yahay, lehna isla xisaabtan qeybaha dowladda ee heer federal” ayuu yiri Maxamed Faarah.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cabdullahi Xaamud ayaa la hadlay saxaafada shirka kadib isagooona sheegy in madaama ay dhalatay xukuumad cusub ay lagama maarmaan tahay in xog laga siiyo wasiiradda halka u marayo iyo qaybaha ay ku leeyihiin mashruucaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha dowaldda ee ka soo qaybgalay kulanka xog siinta hay’adaha uu khuseeyo mashruucaan, waxaana dowaldda kala shaqeeya Bangiga Aduunka, waxaana mashruuca qaybtiisa hore laga hirgaliyey qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, Waxaan u qabanay shirkaan inaan ogaano meesha u baahan tayaynta” ayuu yiri Wasiir Xaamud.

Mashruucaan ayaa waxaa ka fa’iidaysata Xafiiska Madaxweynaha, Xafiisaka Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, Gudiga Shaqaalaha Rayidka iyo Bangiga Dhexe, waxa kale oo mashruucaan ka fa’iidaysta qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka.

Mashruucaan ayaa wuxuu salka ku hayaa isbadalkii dhacay Augst 2012 oo Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladii KMG ahayd, waxaana shirkii Brusseles ee 2013-kii la isla qaatay in la hirgaliyo mashaariic ay dowladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, waxaana barnaamijkaan laga taakuleyaa sanduuqa loo yaqaan Somali Multi Partner Fund (SMPF) iyadoo deeqdaasna la soo marsiiyo Bangiga Aduunka.

—-DHAMMAAD—-

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.