Cabdullahi Maxamed Nuur oo ah xoghayaha guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya mar uu hadlay ayuu ku amray wasaaradda maaliyadda inay bixiso lacagaha mushaaraadka ahi oo ay leeyihiin shaqalaha safaaradaha caalamka ka shaqeeya ee soomaaliya ay ku leedahay.
Sidoo kale wasaaradaha maaliyadda iyo arimaha dibedda soomaaliya ayaa laga dalbaday in si deg deg ahi ay iskaga kaashadaal mushaar bixinta shqaalaha safaaradaah caalamka maadaama aysan xaquuqdooda.
Dhanka kale guddiga maaliyadda ayaa ku amray wasaaradda maaliyadda inay bixiso lacagaha ay leeyihiin xildhibanaada shaqaalaha dowladda iyo ciidamada milatariga ah oo aannan qaadan wax mushaar ah xiligii Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ka talinayay.
Dhawaan ayaa la sheegay in qaar ka mid ah safaaradaha caalamka ku yaalla ee soomaaliya aysan helin mushaar muddo ku dhow sagaal bilood, arintaasina ay tahay mid wax ka qabasho mudan.