Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa Warbaahinta la wadaagay qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaar ah loo Joojiyey Xoolihii kala duwanaa ee Soomaalida ee dalkaas tegayey.
Ganacsade Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jeddah ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha islamarkaana amar lagu siiyey in la hakiyo xoolaha iyada oo loo sababeeyey arrimo dhinaca caafimaadka ah.
Soomaaliya ayaa Dalka Sacuudiga u dhoofisa Xoolo aad u badan oo isugu jira Geel,Lo iyo Ari.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin Warka Sacuudiga ee ah in Xoolihii Soomaaliya looga soo dhoofin jiray ay si KMG u joojiyen.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaanada miyiga ah.
Dhaqaalaha Soomaaliya intiisa badan ayaa ku tiirsan xoolaha dibeda loo iibgeeyo gaar ahaan dalalka Carabta, waxaana go’aankan u dhaawac u geysanayaa haddii uu muddo badan sii jiro dhaqaalaha dalka.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0