Home Afsomali Dowlada Somalia  oo Dhagax-dhigtay Warshad Nuuceeda dalka ku cusub yahay

Dowlada Somalia  oo Dhagax-dhigtay Warshad Nuuceeda dalka ku cusub yahay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan dalka burburkii kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

Xukuumadda DanQaran ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay Xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

Previous articlehowlago lagu qiimeynayo  qaabka dagaal oo ka socdo Shabeellaha Dhexe kadib booqashadii Xasan Sheekh
Next articleOdayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo gaaray furimaha dagaalka ee Laas-Caanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.