Home Afsomali Dowlada Somalia oo Ergo Nabaoono Odayaal Dhaqan iyo waxgara u dirtay Xalinta...

Dowlada Somalia oo Ergo Nabaoono Odayaal Dhaqan iyo waxgara u dirtay Xalinta dagaalka Laascaano 

Wafdi ka kooban duubabaka dhaqanka Somaliyeed ayaa ugu ambabaxay magaalada garawe  sababo la xiriira Xalinta dagaalka dadka badani ku dhinteen ee ka socda magaalada Laascaano ee gobolada Sool sanaag iyo ceyn .

waxaana hogaaminayey Goomiyane u ah Ugaas Maxamuud Cali Ugaas kuwaas oo u safray magaalada garawe  halkaasi oo ay uga si gudbi doonaan deegaanada dagaaladu ka socdaa iyo maamulka Somaliland wadatashi iyo kulamo ka dib

Odayaashaan oo ka socda dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa ujeedkoodu yahay inay wada hadal la yeeshaan Isimadda Dhaqanàka SSC iyo maamulka Somaliland , kulankaas oo ku saaban sidii nabad loo raadin lahaa, loona joojin lahaa dagaalka Magaalada Laas-Caanoodka aloosan

Ugaas Maxamuud ugaas Cali Ugaas cabdulle   oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyey danta iyo ujeedka safarkooda iyo weliba hiigsiga yoolkooda oo ah sidii ay nabad u heli lahaayeen bulshada ku dhaqan deegaanada dirirty ku dhaxmareyso ciidamada somaliland iyo kuwa deegaan laascaano wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey xalinta dagaalka ka socdo laascaano

Magaalada Garoowe waxaa ku sugan qaar kamid ah isimadda dhaqanka SSC wada hadallada  la yeelan doona Isimadda kale ee tagaya magaalada muqdisho , waxaana warar kale ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka ee ka baxaya Muqdisho ay tegi doonaan Magaalada Hargeysa ayna la kulmi doonaan Madaxda Somaliland, iyaga oo kala hadlaya sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Previous articleAl Shabaab oo shaacisay tirada ciidanka  dowladda ay kaga  dileen dagaalkii ay kula hiireysteen Ruun-nirgood
Next articleSaraakiil Ethiopian ah oo baladweyne u aaday howlo sahmin dagaal ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.