Home Afsomali Dowlada Somalia oo milkiilayaasha Gaadiidka baaliyoobay ee aan ku habooneyn marista wadooyinka...

Dowlada Somalia oo milkiilayaasha Gaadiidka baaliyoobay ee aan ku habooneyn marista wadooyinka Amaro dul dhigtay

 

kulan ay yeesheen masuuliyinta wasaarada gaadiidka agaasimayaasha waxyaha maamulayaasha shirkadaha MOT ga ayaa lagu ogeysiiyey barnaamijka Dhaqan gelinta Mashruuca Tijaabada Bed-qabka Gaadiidka (Kalawato) (MOT)

waxaana looga wada hadlay Nabad gelyada Gaadiidka
Horumarinta iyo hagaajinta Gaadiidka nabad gelyada wadooyinka arintaan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay waa walaac caalami ah oo sii kordhaya taasoo saameyn mug leh ku samaysa bulshooyinka caalamka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waajibaadkeeda shaqo waxaa ka mid ah diyaarinta siyaasadaha iyo Shuruucda ku dhaqanka Gaadiidka Dalka.

Wasaaradu waxay faafinta rasmiga ah ku soo saartay Xeerka Dib u xaqiijinta Ku dhaqanka Gaadiidka dhulka, oo ku xusan sidii loo Xaqiijin lahaa Bed-qabka Gaadiidka dhulka.

Dayaca iyo Darxumada Gaadiidka Dalka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa ay  Daraasad ku samaysay una kuurgashay Dhibaatooyinka baaxada leh ee haysata Gaadiidka Dalka;

sida dayaca iyo dar xumada dhanka muuqaalka,

ku dhaqan la’aanta Shuruucda Gaadiidka Dalka,

Amni darida iyo Wado xumida haysata Guud ahaan Gaadiidka Dalka.

ka bood Bal Muuqaalada soo socda nala eega  Natiijada MOTda iyo Xadeynta RarkaDhibaatada Rarka Xad Dhaafka

Marka Gaariga uu Tijaabada Badqabka uu maro

agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka Cali Gacal Gaabow oo shir jaraid ku qabtay xafiiskiisa ayaa warbaahinta uga warbixiyey

Hadii Barnaamijkan Badqabka Gaadiidka uu Hirgalo lana dhaqan galiyo Waxaa ka dhalan karo shan natiijo oo kala ah

Kobcinta Dhaqaalaha Isbedel Muuqaalka iyo Bedqabka Gaadiidka

Xaqiijinta Milkiyada Gaadiidka

Amniga  Badbaadada Nafta iyo Maalkaba

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here