Home Afsomali Dowlada Somalia oo ruushka kala wareegtay markab qamadi siday (DAAWO SAWIRADA)

Dowlada Somalia oo ruushka kala wareegtay markab qamadi siday (DAAWO SAWIRADA)

Wasiiro katirsan XFS oo ay wahliyaan masuuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta Dakadda weyn ee Muqdisho kula wareegay Markab sida shixnaddo mucaawino ah taas oo gaaraysa 25,000 oo tan oo Qamadi ah.

Gargaarkaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee iskugu darsoomeen daadadka El-NiƱo iyo fatahaadaha Wabbiyada Jubba iyo Shabelle ay sameyeen.

Shixnadaan gargaar ayaa waxa ay garayaasa 25,000 oo tan waxaana Safiirka Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya iyo Jabuuti kala wareegay Wasiiro katirsan XFS iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Gargaarkaan waxa uu wax Weyn katari donaa baahiya haatan kajira qaybo kamid ah dalka xilli qasaaraha ka dhashay roobka dayrta uu aad u kordhay.

Agaasimaha guud ee hay’adda SoDMA abdirashiid Maxamuud Hassan ayaa sheegay in Wadankeena ay ku dhufteen daadad xoogan iyo fatahaado, gargaarkana uu yimid waqti Baahi loo qabay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed macalin Fiqi ayaa sheegay in Gargaarkaan Dowladda Ruushka inoogu deeqday uu ku soo aaday xilli loo baahnaa.

Wasiirka Dakaddaha XFS Abdullaahi ilkajiir ayaa sheegay in Umadda Soomaaliyed ay wajahayaan xaalad adag, xitaa aysan haysan waxa ay cunaadaan ku karsadaan, waxaana dowladda Ruushka uga bahanahay intaan taageero ka ballaaran.”

Safiirka Ruushka u fadhiya Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka dhawaajiyey in Gargaarkaan uu astaan u yahay saaxibtinimada labada dal, Bisha Decemberna ay keeeni donaan markale Gargaar intaan kabadan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.