Home Afsomali Dowlada Somalia oo XabsigaDhigtay Gudoomiyihii rugta Ganacsiga g/banaadir iyo Ku xigeenkiisii

Dowlada Somalia oo XabsigaDhigtay Gudoomiyihii rugta Ganacsiga g/banaadir iyo Ku xigeenkiisii

War deg deg ah oo hada nasoo gaaray ayaa Sheegaya in Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ay Galabta xabsiga dhigtay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin xarakada Al-Shabaab.xarakada

Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in baaritaan iyo dabagal ay muddo hay’adda ku wadday lasoo geba-gebeeyey, islamarkaana la xiray guddoomiyaha rugta Gacansiga Axmed Cabdullaahi Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in labada qof ee ay NISA xirtay la ogaaday inaysan wax shaqo ah ku lahayn ganacsi, oo aysan ahayn ganacsato, balse ay ahaayeen xubno Al-Shabaab ah, oo Shabaab ay soo magacaabeen, sida ay NISA rumeysan tahay.ganacsato

sirdoonka, ayaa sidoo kale sheegeysa in guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariim Gabeyre lagu qasbay magacaabista xubnahan kadib markii dil loogu hanjabay.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal lasoo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab.

Wixii faah-fahain ah naga filo dhowaan Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.