Home Afsomali Dowlada Somalia oo Xidhay Qaar ka mid ah Xarumihiin sarifka Doolar

Dowlada Somalia oo Xidhay Qaar ka mid ah Xarumihiin sarifka Doolar

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba albaabada u laabay xarumahaa shirkadda CAMEL FOREX oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala sarifto lacagaha qalaad.

Ciidamada ayaa xiray xarumihii ay shirkaddan ku laheyd Isgoyska Zoobe, Suuqa Bacaad iyo

Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Howl-wadeenada CAMEL FOREX ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga oo si caadi ah ugu gudajira howl-maalmeedkooad in lagu amray in albaabada isugu dhuftaan xaruumahooda ganacsi. Waxaa

sidoo kale la xiray shirkadaha HUBAAL TRADERS iyo KULAN INVESTMENT.

FOREX Traders ayaa ah suuqa ugu weyn ee dunida ee lacagaha lagu kala badasho waxaa uu ku dhex shaqeeyaa Internet-ka waa Suuq furan oo sarif ah, dhalanyaro badan ayaa ku soo badanaya isticmaalka adeegan oo macaash badan ka sameeyay.

Xarumaha noocan ah ayaa hadda u muuqda kuwo sii baahaya guud ahaanba gobollada dalka,iyadoo ay jiraan dad Soomaaliyeed oo lacago dhiganaya, kuwaas oo aan wax badan ka ogeyn, xilli ay jiraan walaacyo amni oo laga qabo xarumahan.

Ilo-wareedyo amni ayaa sheegay inuu jiro tuhun la xiriira inay kooxaha argagixisada ah dhaqaalo dhexmarsadaan shirkadaha maanta la xiray, iyaga oo ku dhex dhuumanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee aan la socon arrintan.

Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in baari doonaan dhammaan dadka lacagta dhigtay shirkadahan, meelaha ay kala joogaan iyo halka ay ka keeneyn lacagaha ay shirkadahan u hayaan, si loo helo xubnaha ku dhex jira ee xiriirka la leh argagixisada.

Xafiiska Shabakada somalisan.com ee Magaalada Washington Dc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.