Home Afsomali Dowlada Somaliya oo ka hadashay Somali ku xaniban dalka Panama oo mareykanka...

Dowlada Somaliya oo ka hadashay Somali ku xaniban dalka Panama oo mareykanka laga soo tarxiilay

Dhawaan ayay ahayd markii tobanaan soo galooti ah oo Maraykanka laga soo tarxiilay lagu xidhay hoteel ku yaala Panama – dadkaas waxaa kamid ahaa Soomaali lagasoo celiyay dalka Maraykanka oo ay dowladda Panama dooneyso in ay aadaan wadamada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya oo ay BBC du xiriir la samaysay ayaan wax ka waydiinay waxa ay ka ogyihiin dadka iyo waxa ay u qorsheeyeen ilaa iyo haatan.

“Illaa hadda xogtaan hayno waxaa waaye, in Panama ay hadda ku suganyahiin dad Soomaali ah oo lagasoo tarxiilay Maraykanka,” ayuu BBC da u sheegaty Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo haddeer ma ogga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu noo sheegay la taliye Diinaari oo howay u hugaamiyay howlgallo ay wasaaradda arimaha dibaddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahayd oo ku sugnaa wadamo kala duwan. Balse waxa uu qirsanyahay jiritaanka ah in Soomaali Maraykanka laga keenay ay ku suganyahiin Panama

Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waa naloogu maqanyahay macluumaadkooda” ayuu yidhi Diinaari oo ka warbixinaya xaaladdaan.

Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ee la keenay Panama waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horeysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas in ay tahay in ay xidhiidh la sameeyaan safaaradda Soomaaliya ee ku taala caasimadda Havana ee dalka Cuba.

Waxaa xusid mudan in xidhiidhka Soomaaliya iyo Cuba lasoo celiyay sanadkii 2023 muddo 46 sanno ah kadib. Hase yeeshee Soomaalida la sheegay in ay ku suganyahiin Panama iyo Cuba xad malahan oo waxaa u dhexeysa badda Karibiyaanka.

“Waxaan rejaynayaa oo aan rabaa in aan dadkaas la socodsiiyo in safaaradda aanu ku leenahay Cuba in ay xidhiidh la sameeyaan oo waxii taakulayn ah ama sidii ay meeshaas ugasoo bixi lahaayeen – waxaan filayaa in safiirku uu diyaar u yahay.”

Mase xusin habka iyo sida ay tahay in ay kula xidhiidhaan iyo halka ay u marayaan safaaradda maadaama oo ayna ku oo aynaba xad lahayn labada wadan – waa midka ay ku suganyahiin iyo midka safaaradda Soomaaliya ay ku taalo oo kala fog 1478km.

“Safaaradda Washington iyo xafiiska aanku leenahay New York waxay la wadaan sidii dadkaas dalkooda dib oogusoo noqon lahaayeen wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka xidhiidhkaasina wuu socdaa.” Ayuu yidhi isaga oo qeexaya in safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo dowladda Maraykanku ka wada shaqaynayaan dib u soo celinta dadka Soomaalida ah ee la soo tarxiilayo.

Xukuumadda madaxweyne Donald Trump ayaa bilowday qorshaheeda masaafurinta dadkii siyaabaha kala duwan ee aan sharciga ahayn ku soo galay dalkooda, arrinkaas oo uu madaxweynaha amaray. Arrintan masaafurinta dadka ayaana ah tiir weyn oo kamid ahayd ol’olahiisii doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.