Home Afsomali Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumada Somalia ayaa fasaxday Shaqaalaha rayidka ah ee heyaddaha DF maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 19ka bisha July oo sidoo kale ku beegan 1da bisha Muxaram, sababo la xiriira curashada sanadka cusub ee Hijiriyada Islaamka 1445.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Xildhibaan Dr Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1445. H wuxuu hambalyo u diray dhammaan Ummadda Islaamka gaar Shacabka Soomaaliyeed .

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa  sidoo kale hambalyada sannadka cusub ee Islaamka la wadaagay shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo shaqaalaha Madaxa-bannaan ee soomaaliyeed  meel kasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa guud ahaan Ummadda Islaamka u rajeeyay in sannadkan sannadkiisa kale nagu gaarsiiyo , , .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.