Home Afsomali VIDEO Dowlada Soomaaliya oo bilaabeysa Toogasho ku Fulinta Dil sugayaasha Xakuman

VIDEO Dowlada Soomaaliya oo bilaabeysa Toogasho ku Fulinta Dil sugayaasha Xakuman

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee isku xirka bahda caddaalada dalka oo looga hadlay dardar gelinta qorshaha horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, fulinta go’aannada maxkamadaha, la dagaallanka Dekumintiyada been-abuurka ah iyo qorshaha dib-u-habeynta arrimaha dhulka.

Kulanka oo ahaa shirkii labaad ayaa ugu horayn waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay go’aannadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay ee bishii hore lagu qabtay Muqdisho.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen madaxda hay’adaha garsoorka, taliska booliiska, wasiirrada amniga gudaha iyo caddaaladda, maamulka gobalka Banaadir iyo hanti-dhowraha qaranka ayaa looga dooday muhiimmadda ay caddaaladu u leedahay xasilinta dalka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.

Ra’iisul wasaraaha ayaa bahda garsoorka iyo hay’adaha fulinta kula dardaarmay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan hubinta iyo fulinta go’aannada maxkamadaha si bulshadu u hesho caddaalad dheelli tiran oo laga ilaaliyay laalaab iyo musuq-maasuq.

“Looma dul qaadan karo in mawaadin Soomaaliyeed uu garsoorka dulmane u noqdo, waa in aan bedelno dhaqankii hore. Waa in si dhab ah loo wada shaqeeyo dhinac walibana sida ugu habboon uga soo dhalaalo mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran taabba gelinta nidaam-caddaaladeed Soomaalida oo dhan dan u ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa isla gartay in dhinacyada dhan ay iska kaashadaan si adeegga garsoorka loo gaarsiiyo heer muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu isku halayn karo loona helo hannaan caddaaladeed hufan oo daah furan

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay wax ka qabashada dekumintiyada been-abuurka ah ee bulshada dhibaatada xooggan ku haya iyo dardargelinta qorshaha xallinta khilaafaadka dhulalka.

–DHAMMAAD—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.