Home Afsomali Dowladda Imaaraadka Carabka oo cambaareysay qaraxyadii Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabka oo cambaareysay qaraxyadii Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Abdalla Bin Zayed ayaa bartiisa Twitterka ku daabacay qoraal Afsoomaali ah oo uu ku cambaareeyay qaraxyadii dadka faraha badan ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Muqdisho.

” Waxaan cambaareeynayaa qaraxyadii Argagaxisada ahaa ee lala beegsaday Muqdisho. Waxaana dowladda Soomaaliyeed ku garab taaganahay ka hortagga waxkasta oo khatar ku ah Amnigooda, waxaan tacsi u dirayaa qoysaska dhibanayaasha ,intii ku dhaacantay caafimaad deg deg ayuu yiri” Wasiirka.

Horay waxaa qaraxyadii Sabtidii ka dhacay Muqdisho u cambaareeyay dowladaha, Kenya, Jabuuti, Mareykanka, Qatar iyo dowlado kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.