Home Afsomali Dowladda Imaaraadka oo ballan qaad horleh u sameeysay dowladda Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka oo ballan qaad horleh u sameeysay dowladda Soomaaliya

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcuthman oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.

Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta qiimaha badan, isagoo sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.