Home Afsomali Dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqday lacag ay ku taageerayso Ciidamada Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqday lacag ay ku taageerayso Ciidamada Soomaaliya

 

Dowladda Ingiriiska oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in £2.3 milyan oo dheeri ah ugu deeqday Soomaaliya, taas oo lagu taaeerayo Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.

Safiirka UK ee Somaaliya Kati Foster ayaa ku dhawaaqday lacagtaan kadib kulan gaar ah oo ay Magaalada muqdisho kula yeelatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dowladad Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Dowladda Iniriiska ayaa dowladda Soomaaliya kala shaqeynaysa dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay 2024 mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan howgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Wasiirka Ciidamada UK oo bishii May booqasho ku yimid Soomaaliya,ayaa waxaa uu sheegay inay xoojinayaan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka iyo dhismaha amniga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay inay UK ka go’an tahay in ay gacan ka geysato xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Dowladda UK ayaa Soomaaliya ka taaeerta dhinaca Amniga, waxaana Xerooyin lagu tababaro Ciidamada dowladda Soomaaliya ka hirgelisay magaalada baydhabo iyo degaano kale, iyada oo ku tababartay Ciidamo katrsan millateriga Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.