Home Afsomali Dowladda Kenya oo shaacisay xilliga ay Soomaaliya u soo dhoofin doonta Khaadka

Dowladda Kenya oo shaacisay xilliga ay Soomaaliya u soo dhoofin doonta Khaadka

Xoghayaha Wasaaradda Beeraha dalka Peter Munya ayaa shaaca ka qaaday in 5-ta bisha July ee soo socota uu dib u bilaabanayo dhoofinta Qaadka Kenya ee la keeno  Soomaaliya, taasi oo ku soo beegantay xilli ay nafis u tahay kumanaan beeraley ah oo Miirooga ah oo saddexdii sano ee ugu dambeysay wajahay khasaaraha ka dhashay xirnaanshaha suuqa Muqdisho.

Madaxa Miraa, Pyrethrum iyo dalagyada kale ee warshadaha Felix Mutwiri ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan arrimo taagan oo ka hor inta aan dib loo bilaabin suuqa kaliya ee ugu weyn Kenya.

“Hadda waxaa naloo sheegay in suuqa uu dib u billaaban doono 5-ta Luulyo, ayuu yiri Kimati Munjuri, guddoomiyaha ururka ganacsatada  khaadka Nyambene Miraa.

Dhawaan ayay aheyd markii uu magaalada Muqdisho yimid Madaxweynaha Kenya, waxaana uu wadahal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.