Home Afsomali Dowladda Koonfur Afrika oo la wareegayso qaybo ka mid ah dhulka dadka...

Dowladda Koonfur Afrika oo la wareegayso qaybo ka mid ah dhulka dadka caddaanka ah ay horey uga boobeen Madowga

Guddi heer madaxweyne ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo jeediyey in dhulka lal wareejiyo magdhaw la’aan, xaaladaha qaarkood.

Dhulka loogu talagalay ujeeddooyinka aan muuqan ama kireysteyaasha ay deggan yihiin waa in dadka haysta laga qaadaa, waxay ka mid tahay talada ay guddigu soo jeediyeen.

Dadka caddaanka ah ee Koonfur Afrika oo ay tiradooda 9% ay ka badneen, waxay mulkiyaan ama ay haystaan 72% dhulki beeraha ku habboonaa weliba shaqsiyaad ayuu gacanta ugu jiraa.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa soo jeediyey dhulka in lala wareego isla markaana lagu wareejiyo dadka madowga ee ugu tirada badan dalkaasi.

Xisbiga talada Koonfur Afrika haya ee ANC wuxuu marar badan uu ballan qaaday in dhulka lagu wareejiyo dadka madowga ah oo dalkaasi u badan tani iyo 1994-kii marka uu hoggaanka dalkaasi uu qabtay, oo ay soo afjarantay hoggaaminti dadka caddaanka ee laga tirada badan yahay balse fulinta ballantaasi ayaa ahayd mid gaabis ah.

Dadki ka horyimid dhulka lala wareego oo ahayd siyaasaddi dalka Zimbaabwe uu ka hirgeliyey la damacsanaa Madaxweyne Robert Mugabe waxay sheegeen iney aad u wiiqday dhaqaalaha dalka waxayna sababtay iney maalgeliyeyaal badan ay dalkaasi ka cararaan.

Madaxweyne Ramaphosa wuxuu sanadki hore uu dhisay guddi khubaro, kaddib marka uu cadaadis xooggan uu ANC uga yimid xisbiyada mucaaradka, gaar ahaanna xisbiga u dagaallama xorriyadda dhaqaalaha ee EFF.

Guddiga waxay dowladda u soo jeediyeen talooyinkan ku aaddan in lala wareego qaybo ka mid ah dhulka:

Loo haysto ujeeddooyinka aan la garaneyn

Ay haystaan ama ay isticmaalayaan Kireystayaal cusub ama Kireystayaal hore

Dadki haystay ay ka tageen

Laga dhisay dhismayaasha magaalooyinka oo mulkiilayaashi lahaa ay ka maqan yahay

Waxay guddigu sheegeen dadka dhulka iibsaday wixi ka dambeeyey marka uu dhammaaday xilligi midab takoorka iyo dadka dhulka dhaxal ku helay xilligi midab takoorka uu jiray in si gaar ah loola macaamalayo.

Xisbiga mucaaradka ugu weyne ee Isbahaysiga Dimuqraadiyadda wuxuu ku gacan seydhay warbixinta iyo talooyinka ay soo jeediyeen, waxayna sheegeen dhulka oo magdhaw la’aan lala wareego ay ka dhalan karto “Dhaqaalaheenna aadka u liita inuu sii wiiqmo”.

Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ayaa bishii October sharci qabya ah oo ku sabsan la wareegidda dhulka dood ka yeeshay isbeddellada la rabo in lagu sameeyo la wareegidda dhulka.

Dhibaatada dhulka ee Koonfura Afrika ka taagan

Beer ku taallo meel ka baxsan magaalada Durban

Sharcigi 1913-kii ee lagu xayiray dadka madowga ah iney dhul ay iibsadaan ama ay Koonfur Afrika ka kireystaan, sharcigaasi oo horseeday in dadka madowga dhulkooda xoog looga kiciyo.

Nidaamki midab takoorka ku dhisnaa marka uu soo afjarmay sanadki 1994-kii kaddib, Xukumadda Xisbiga ANC uu majaraha u hayo waxay sheegtay iney dooneyso 30% dhulka iney dadki lahaa u celiso sanadka marka uu yahay 2014-ka.

Iyada oo dhul beereedka ganacsiga oo lagu qayaaso 10% la rumeysan yahay in dib loo qaybiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.