Home Afsomali Dowladda oo Ciidamo badan geesay Suuqa Bakaaraha amar cusubna siisay Ganacsatada

Dowladda oo Ciidamo badan geesay Suuqa Bakaaraha amar cusubna siisay Ganacsatada

Dowladda oo Ciidamo badan geesay Suuqa Bakaaraha amar cusubna siisay Ganacsatada

Dowladda Soomaaliya ayaa  ciidamo badan oo isugu jira nabad sugid iyo booliis geesay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii ganacsatadii suuqaasi lagu qasbay dhawaan in goobahooda xiraan.

Ciidamada la geeyay suuqa bakaaraha ayaa loogu tala galay in ay sugaan ammaanka ganacsatada suuqaasi oo cabsi ay ka qabaan kooxda Daacish darteed dhawaan u xiray xarumo badan oo ganacsi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dowladda geesay Suuqa Bakaaraha ayaa ku amray ganacsatada xiray goobahooda in ay furaan ayna shaqeestaan, waxaana loogu hanjabay ganacsatadii aan furin goobahooda la jabin doono albaabada

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha gaar ahaan kuwa horey u xiray xarumahooda ayaa sheegay in cabsi badan lasoo daristay ayna dhaxda uga jiraan labo ammar oo ah in ay xarumahooda ganacsi xiraan iyo in ay furaan.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha kusoo rogtay in ay bixiyaan lacago badan oo canshuur ah waxa ayna amreen ganacsatada aan bixin lacagtaasi in ay xiraan goobahooda ganacsi ama dhibaato gaarsiin doonaan.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaana ka cabsi qaba hadii goobahooda ganacsi ay furaan iskana shaqeestaan in ay dhibaato kasoo gaari karto kooxda daacish oo horey ugu amartay in ay bixiyaan lacag badan ama xiraan goo bahooda ganacsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.