Home Afsomali Dowladda oo ku dhawaaqday in lala wareegay degaanka Wabxo iyo degaano kale

Dowladda oo ku dhawaaqday in lala wareegay degaanka Wabxo iyo degaano kale

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay MAanta  Al-Shabaab kala wareegeen deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo 15 sanno ka badan ay Maamulayeen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sidoo kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof oo dhammaantood katirsan Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay ka sameeyeen howlgallo miino baaris ah degaannada, Wara-gibile, Ceelgorof, Wara-dhuumale, degaannadaas oo u dhaxeeya demooyinka, Ceelbuur, guriceel & tuulada Bukur oo katirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalka lagula wareegay degaanka Wabxo iyo degaannada kale ayaa abaabulkiisa waxaa maalmihii la soo dhaafay uu ka socday degaano ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana horkacaya Saraakiil Ciidan & Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.