Home Afsomali Dowladda Oo Sheegtay In 50 Shabaab Ah Ay Ku Dishay Howlgal Ka...

Dowladda Oo Sheegtay In 50 Shabaab Ah Ay Ku Dishay Howlgal Ka Dhacay Sh.Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 49 Shabaab ah ay ku dishay weerar ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen dowladda, maleeshiyada deegaanka iyo wadamada caalamka ee dhanka cirka ah ka taageera ayaa lagu beegsaday dhulbeereedka Sheekh Qaasim oo ay kooxda isku uruursaneysay.

Sida ay tabisay warbaahinta dowladda, howlgalkan ayaa lagu soo furtay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen Shabaab kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo kooxdaasi ay leheyd.

Dowladda ayaa khasaaraha ka soo gaaray howlgalkan ku sheegtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale, majirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara sax ahaanshaha sheegashada dowladda.

Si kastaba, deegaanka howlgalkan uu ka dhacay ee Xawaadleey waxey todobaadkan Shabaab ku dileen kudhowaaad 20 askari oo ciidanka dowladda ah oo uu ku jiray Col. Abshir Shataqey oo ahaa Taliyihii Guutada 3aad ee qeybta 27 Ciidanka dhulka XDS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.