Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in intii uu socday Ciidanka ay ku dileen ku dhawaad 10 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhaawaceen 13 kale.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidanka xoogga ay ka furteen saanad Ciidan Al-Shabaab ayna burrburiyeen goobihii ay ku sugnaayeen oo ay ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo dalka oo dhan.