Home Afsomali Dowladda oo sheegtay in Muqdisho lau qabtay Nin qorsheynayay in uu weerar...

Dowladda oo sheegtay in Muqdisho lau qabtay Nin qorsheynayay in uu weerar geysto

Ciidanka Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab, kaas oo watay waxyaabaha qarxa.

War kasoo baxay laamaha Amniga Goolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Ninkaan oo dhalinyaro ah uu doonayay in uu ku weeraro qaraxyo bar ay joogeen Ciidanka ammaanka.

“ Ciidanka Booliska, Nabad Sugida iyo Ciidanka Boliis militaaro oo si wada jir ah u sugaya ammaanka Muqdisho ayaa wax badan ka badalay Amniga Caasimadda, waana ay sii wadi doonaan howlgallada ayaa lagu yiri” War kasoo baxay laamaha Amniga.

Tdobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad u wanaagsan amniga Magaalada muqdisho, waxaana dowladda Soomaaliya ay soo buux dhaafisay Ciidamo farabadan oo isugu jira Boolis iyo kuwo sida Milalteriga u Shaqeeya, kuwaas oo wax ka bedelay Amniga magaalada muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.